Barasaabka Migori iyo carruurtiisa oo maanta maxkmadda la soo taagay

Guddoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado iyo afartiisa carruur ayaa maanta oo khamiis ah ka soo hormuuqday maxkmada iyagoona lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuqmaasuqa.
Okoth Obado,carruurtiisa iyo shaqsiyaad kale oo gaaraya ila 11 kuwaas oo ka tirsan shaqaalaha Migori ayaa la soo taagay maxkmadda Milimani ee magaaladatan Nairobi.
Waxaa lagu soo eedeeyay dhamaantood fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin oo ah lacag dadweyne.
Baaritaanada guddiga EACC waxaa lagu ogaaday in 38.9 milyan oo shilin lagu shubay akoono bangiyeed oo ay leeyihiin carruurta barasaabka Achola Dan Okoth, Susan Scarlet Okoth iyo Jerry Zachary Okoth.
Maxkmadda ayaa ku amartay mas’uulka Migori ,carruurtiisa iyo shaqaalaha kale ee dowlad deegaankaas inay xabsiga ku sii jiraan ila 31-ka bishaan.
Maxkamdu waxay sheegtay hadii la sii daayo inay faragalin ku sameyn karaan markhaatiyaasha dacwada loo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here