Barasaabka Migori oo lagu siidaayay 8 milyan oo damiin lacageed ah

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa guddoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado oo loo haysto falal musuqmaasuq ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 8.7 milyan oo shilin.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore Lawrence Mugambi oo ka howlgalo qaybta qaabilsan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Mr .Obado ayaa sido kale laga hor istaagay inuu tago xafiiska uu bulshada uga adeego ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwadaha uu wajahaya.
Maxkamadda ayaa barasaabka Migori u diiday inuu dalka dibadiisa u safro.
Guddoomiyaha , afar ka mid ah carruurtiisa , ganacsato iyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ismaamulka Migori ayaa lala xiriiriyay fadeexad lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin.
Eedeysanayaasha kale oo gaaraya 10 ayay maxkamadda ku daysay damiin ah inta u dhexeysa 2 milyan ilaa 8.2 milyan oo shilin.
Sido kale waxaa tuhmanayaasha laga hor istaagay inay tagaan xafiisyada dowladda ismaamulka Migori halka looga digay inay faragelin ku sameyaan marqaatida kiiskan.
Dhanka kale maxkamadda ismaamulka Mombasa ayaa damiin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin ku siidaysay xildhibaanadda deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi Caaisha Jumwa.
Waxay haweeneydan iska fogeysay toddobo dacwadood oo lagu soo oogay sida inay awoodeeda ku takriifashay iyo lacag la dhacay in laga siiyay 2.5 milyan oo shilin.
Xildhibaanadda iyo eedeysanayaal kale ayaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 57 milyan oo shilin oo qayb ka ahayd lacagta sanduuqa horumarinta deegaanka Malindi.
Maalinkii Jimcaha ayaa 6-da eedeysane ee kale la soo taagay maxkamadda Mombasa waxayna iska fogeyeen 13 dacwadood oo lagu soo oogay.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn ku siidaysay min 5 milyan oo damiin lacageed ah.
Sido kale haweeney 42 sano jir ah oo lagu magacaabo Farida Otieno ayaa maanta maxkamad la soo taagay waxaana lagu eedeyay inay guursatay wiil arday oo 14 sano jir ah.
Waxay iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay oo ahayd inay ku xadgudubtay qof aan qaangaar ahayn waxaana ugu dambeyn lagu siidaayay damiin lacageed oo ah 100 kun oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here