Barasaabka Mombasa oo ka hadlay isbeddelka la doonayo in dastuurka lagu sameeyo

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta Cali Xassan Joho oo ka hadlay arrimaha guddiga BBI ayaa sheegay inay si buuxda u taagerayaan dhaqangelinta qodobadii sannadkii hore ay ku heshiiyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.
9-kii bishii saddexaad ee 2018-kii ayay ahayd markii Uhuru iyo Raila ay yeesheen kulan taariikhi ahaa kaasoo meesha ka saaray xaalad cakiran oo siyaasadeed oo wadanka uu xilligaasi wajahayay.
Mr. Joho ayaa ku nuuxnuuxsaday in mas’uuliyiinta gobolka xeebta ahaan ay si qoto dheer u daraaseyn doonaan warbixinta guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta shacabka ee BBI marka la soo saaro.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in qowmiyad kasta oo ku nool dalka ay dareento inay ka dhex muuqato dowladda.
Cali Xassan Joho ayaa dhanka kale xusay in warbixinta BBI laga sugayo la doonayo inay xal waara u hesho qabyaaladda iyo horumarka qeybaha kala duwan ee wadanka ee aan isku dheeli tirneen.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay doorashadii ku celiska ahayd ee 7-dii bishan si nabad ah uga dhacday deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Mr. Joho ayaa sheegay in xasiloonida wadanka ka jirta oo uu horseeday kulankii Uhuru iyo Raila ay suurtagelisay inay si madaxa bannaan oo nabdoon deegaankaasi olole uga sameeyaan siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyo kala duwan

Barasaabka ismaamulka Taita Taveta ee isla gobolka xeebta Granton Samboja ayaa Joho ku raacay inay khasab tahay in si gaar ah loo eego warbixinta BBI ee la rajeynayo si loo qiimeeyo inay dani ugu jirto dadweynaha gobolkaasi.
Waxaa uu sido kale carrabaabay in isqabqabsigii dhanka hoggaanka ee ka jiray dowlad deegaankiisa hadda xal loo helay sidaasi awgeedna uu diyaar u yahay in shaqadii uu shacabka u hayay ay sii socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here