Barasaabka Nairobi oo amray in xafiisyada lagu rakibo qalab lagu ogaanayo waqtiga shaqaalaha ay yimadaan

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi, Mike Sonko ayaa bixiyay amar ah in xafiisyada kala duwan ee dowlad deegaanka uu hoggaamiyo ay lahadaan qalab casri ah oo lagu xaqiijin karo in shaqaalaha ay soo shaqo galaan waqtiga laga doonayo.
Mr. Sonko ayaa hoosta ka xariiqay in howlwadeenada qaar ay caadeysteen inay shaqada ka soo dib dhacaan tani oo sida uu hadalka u dhigay saamayn ku yeelatay bixinta adeegyada loo fidiyo dadweynaha.
Guddoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in saraakiisha qaar ay xilli dambe tagaan xarumaha ay ka howlgalaan iyagoo dhanka kale shaqada ka baxo waqti hore.
Waxaa uu sido kale sheegay in maamulkiisa uu aqoonsan doono , abaal marin doono sido kalena dallacsiinayo shaqaalaha sida habboon ugu adeego shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here