Barasaabka Nairobi oo ansaxiyay miisaaniyadda maamulka NMS

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeedka miisaaniyadda dheeraadka ah ee dowlad deegaanka Nairobi.
Tani ayaa meesha ka saartay muran la xiriira maaliyadda oo muddo laba bilood ah Sonko kala dhexeyay maamulka dhawaan la magacaabay ee NMS.
Maamulkan ayaa loo xilsaaray bixinta qaar ka mid ah adeegyada ay u baahan yihiin shacabka Nairobi kaddib markii ismaamulka caasimadda dalka uu qaar ka mid ah waajibaadkiisii ku wareejiyay dowladda dhexe.
Dhaqaalaha uu guddoomiyaha Nairobi saxiixay in lagu wareejiyo maamulka uu hoggaamiyo Maxamad Badi ayaa gaaraya 3.5 bilyan oo shilin.
Mike Sonko ayaa horay u diiday inuu qalinka ugu duugay miisaaniyad dhan 15 bilyan oo loo soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here