Barasaabka Nairobi oo gacanta lagu dhigay

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay xabsiga u taxaabeen guddoomiyaha dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko.
Sonko oo ay wehelinayaan afar ka mid ah xubnaha EACC ayaa lagu soo warramayaa in lagu qabtay magaalada Voi ee ismaamulka Taita-Taveta ee gobolka xeebta waxaana loo soo qaaday caasimadda dalka.
Saaka ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji oo shir jaraaid qabtay uu amray in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko iyo qaar ka mid ah saraakiisha la shaqeeya.
Nuurdiin ayaa sheegay in shakhsiyaadkan su’aalo laga weydiin doono lacagaha dadweynaha ee la rumeysan yahay inay ku takriifaleen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha ka dhanka ah Sonko iyo howlwadeenada kale.
Saraakiisha dowladda u qaabilsan fulinta amarrada ayaa laga dalbaday inay dabagal ku sameeyaan iskudayo ku saabsan in la farageliyo baaritaano socdo.
Nuurdiin Xaaji ayaa xusay in si fudud aynan baaritaanada ku sameyn maadaama saraakiisha loo hanjabay sido kalena eedeysanayaasha ay isku dayeen inaan xaqiiqda la ogaan.
Agaasimaha dacwad soo oogidda ayaa Mike Sonko iyo eedeysanayaasha kale ugu baaqay inay u hoggaansamaan amarka uu soo saaray.
Waxaa uu dhanka kale uga digay inay ka soo horjeestaan tallaabada xabsiga loogu taxaabaya ama ay isku dayaan inay u hanjabaan saraakiisha howshan loo xil saaray.

Nuurdiin Xaaji ayaa dhanka kale ku nuuxnuuxsaday in waaxyaha dowladda sida baarlamaanka, golaha fulinta iyo garsoorka laga doonayo in mid walba uu ilaaliyo madax bannaanida kan kale oo uunan shaqadiisa faragelin.
Waxaa uu tusaale u soo qaaday in maxkamadda ay go’aamisay in barasaabka ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Mr. Ferdinand Waititu uunan xafiiskiisa ka howlgelin karin balse go’aan kaasi ka duwan uu qaatay aqalka sare ee dalka.
Nuurdiin Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay inay la kulmayaan caqabado dhowr ah sidaas awgeedna golaha sharci dejinta iyo waaxda garsoorka ay laga doonayo inay garab ku siiyaan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in marka eedeysanayaasha maxkamadda la horgeeyo aan tallaabada ku habboon laga qaadin iyadoo la cuskanayo inaan la soo gudbin caddeymo wax ku ool ah.

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu oo horay musuqmaasuqa lala xiriiriyay lagana hor istaagay inuu xafiiskiisa tago ayaa sheegay inuu maanta furayo xafiis cusub oo uu bulshada soo dooratay ugu adeegi doono .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here