Barasaabka Nairobi oo ka soo hormuuqanaya maxkamadda Voi

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa ku sugan magaalada Voi ee dowlad deegaanka Taita Taveta gobolka xeebta ee dalka.
Waxaa uu maanta ka soo hormuuqanaya maxkamad halkaas ku taalla si loogu soo oogo dacwado gaaraya saddex.
Eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in xilli saraakiisha ammaanka ay ka soo qabanayeen garoonka yar ee diyaaradaha ee Ikanga ee Voi uu dhibaato u gaystay taliyaha ciidamada booliska ee xeebta, Rashiid Yaaquub iyo askar kale.
Mike Sonko ayaa sido kale loo haystaa inuu diiday in ciidamada ay gacanta ku dhigaan oo uu aflagaaddo kula kacay.
Ammaanka maxkamadda Voi ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana iridda hore ee laga galo lagu arkayaa ciidamo tiro badan.
18-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore ayuu Sonko ka baaqday inuu maxkamadda Voi iska xaadiriyo kaddib markii qareenada u doodaya ay xilligaas sheegeen inuu xanuunsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here