Barasaabka Nairobi oo la filayo in berri la maxkamadeeyo

Waxaa maalinka berri ah lagu wadaa in maxkamadda la soo taago guddoomiyaha ismaamulka Nairobi, Mike Sonko oo xabsiga loo taxaabay jimcihii kaddib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji.
Guddoomiyaha magaala madaxda wadanka iyo 15 eedeysanayaal kale ayaa loo haystaa arrimo la xiriira musuqmaasuqa , inay xafiiskooda si aan habbooneyn u adeegsadeen , lacago wax isdaba marin lagu sameeyay , hantida dadweynaha oo la dhacay iyo inay ka macasheen hanti la lunsaday.
Lacagta la lunsaday ee saraakiishan lala xiriirinayo ayaa gaaraysa 357 milyan oo shilin.
Sonko ayaa sido kale looga fadhiyaa inuu ka jawaabo eedeymo ah inuu garab siiyay khiyaano ku aaddan dembi dhaqaale.
Nuurdiin Xaaji, agaasimaha dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegay in shakhsiyaadkan su’aalo laga weydiin doono lacagaha dadweynaha ee la rumeysan yahay inay ku takriifaleen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo eedeymaha ka dhanka ah Sonko iyo howlwadeenada kale.
Dhanka kale waxaa isla berri la dhageysan doonaa cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen qareenada Mike Sonko matalaya oo ku doodaya in mas’uulkan si aan habbooneyn loola dhaqmay markii ay soo xirayeen saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Sido kale waaxda adeegga booliska ee dalka ayaa sheegtay inay dacwado ku soo oogayaan guddomiyaha kaddib markii muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada laga dhex arkay isagoo iskudayay inaan la xirin.
War saxafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka booliska dalka Charles Owino ayaa waxaa ku cad in Mike Sonko uu saraakiisha aflagaadeeyay isagoo si rabshadeysan ciidamada uga hor istaagay inay gutaan waajibaadkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here