Barasaabka Nairobi oo lagu daaweynayo isbitaalka Kenyatta

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugan yahay isbitaalka qaran ee Kenyatta halkaas oo lagu dabiibayo kaddib markii xaalad caafimaad ay la soo daristay.
Sonko iyo eedeysanayaal kale oo gaaraya 15 ayaa wajahaya dacwado ku saabsan musuqmaasuqa.
Shalay ayay ahayd markii barasaabka iyo sarkaal oo kale ay ka soo hormuuqdeen maxkamadda Milimani .
Waxay dhammaantood iska fogeeyeen eedeymo loo soo jeediyay oo ku aaddan inay iska kaashadeen khiyaano lagu dhacay hantida dadweynaha, in ay xafiisyadooda si aan habbooneyn u adeegsadeen iyo in sido kale ay ka macaasheen dhaqaale la lunsaday.
Qareenka matalaya Sonko , Cecil Miller ayaa shalay garsoore Douglas Ogoti ka codsaday inuu bixiyo amar guddoomiyaha Nairobi u oggolaanaya in la daaweeyo.
Sonko ayaa sheegaya inay dhaawacyo soo gaareen maalinkii jimcada ee la soo dhaafay xilli saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ay ka soo qabteen magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta.
Warbaahinta dalka ayaa maalinkaas soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo Mike Sonko iyo ciidamada soo qabtay oo xarbinaya.
Berri oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha dib loogu celiyo maxkamadda si go’aan looga soo saaro damiin isaga iyo eedeysanayaasha kale ay codsadeen in lagu siidaayo.
Lacagta shakhsiyaadkan oo isugu jiro xubnaha guddiga bixiya qandaraasyada ee dowladda ismaamulka Nairobi iyo agaasimayaasha shirkadaha qandaraasyada muranka dhaliyay la siiyay la rumeysan yahay inay wax isdaba marin ku sameeyeen ayaa dhan 357.4 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha oo hadda isbitaal ku jiro ayaa waxaa loo oggolyahay inay booqdaan xaaskiisa iyo laba qareen oo kaliya.
Waxay dhanka kale dood ka taagan tahay mustaqbalka hoggaanka caasimadda wadanka ee Nairobi haddii barasaabka laga hor istaago inuu xafiiskiisa umadda uga shaqeeyo.
Bishii kowaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay barasaab ku xigeenkii magaala madaxda wadanka , Polycarp Igathe iyadoo ilaa iyo hadda mas’uul beddela aan la soo magacaabin.
Sido kale golaha ay ku mideysan yihiin guddoomiyaasha ismaamullada dalka ee COG ayaa looga fadhiyaa inay ka dhabeeyaan baaq ay soo saareen oo ahaa inay lagama maarmaan tahay inuu qabsoomo kulan degdeg ah oo kala dhexeynaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa baraha ay bulshada ku wada xiriirto gaar ahana twittarka qabsaday cinwaan ah #Mrpresidentsavesonko oo ay micnaheedu tahay madaxweyne Sonko soo badbaadi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here