Barasaabka Nairobi oo maxkamad la soo taagayo

Waxaa lagu wadaa in maanta maxkamadda la soo taago barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo loo haysto falal musuqmaasuq.
Waxay tani ku soo adaysa iyadoo dhanka kale golaha ay ku mideeysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee CoG bayaan uu soo saaray uu ku sheegay inuu doonayo inuu qabsoomo kulan degdeg ah oo kala dhexeynaya madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Shirkan ayaa looga gol leeyahay in looga arrinsado caqabadda dhanka hoggaanka ee laga cabsi qabo inay soo foodsaarto dowlad deegaanka caasimadda u ah dalka ee Nairobi.
Waxay tani ku saleysan tahay in barasaabka Nairobi Mike Sonko uu xabsi ku jiro kaddib markii lala xiriiriyay musuqmaasuqa iyadoo dhanka kalena uunan jirin ku xigeen xafiiska barasaabka sii haynaya maadaama tan iyo markii bishii koowaad ee sannadkii 2018-kii uu is casilay Polycarp Igathe uusan Sonko mas’uul kale soo magacaabin.
Guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Kakamega ee gobolka galbeedka dalka Mr. Wycliffe Oparanya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay si dhow xaaladda taagan ula socdaan.
Mr. Oparanya ayaa intaasi ku daray inay wada tashi dhinacyo badan ku howlanyihiin si adeegyadii loo hayay shacabka Nairobi aynan wax saameyn ah ugu imaan.
Maalinkii jimcaha ayay ahayd markii Mike Sonko iyo laba sarkaal oo kale la xiray kaddib amar ka soo baxay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji.
Nuurdiin Xaaji ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay inay baaritaano la sameeyay kaddib ay heleen caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in la maxkamadeeyo guddoomiyaha Nairobi iyo 15 sarkaal oo kale.
Waxaa dhammaantood loo haystaa wax isdaba marin lacageed oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 357.4 milyan oo shilin oo qaab qandaraas ah loo bixiyay.
Eedeymaha loo soo jeediyay ayaa gaaraya ilaa 6 waxaana ka mid ah musuqmaasuqa, ku takriifal awoodeed , garab siinta shirqool dhaqaale lagu dhacay iyo inay ka macaasheen hanti dadweyne oo la lunsaday.
Labada sarkaal ee kale ee lala xiray Mike Sonko ayaa kala ah xoghayihii hore ee ismaamulka Nairobi Peter Kariuki iyo Patrick Mwangangi oo isna madax ka ahaa waaxda soo iibsashada qalabka.
13-ka eedeysanayaal ee kale ayaa isugu jiro kuwo xubno ka ah guddiga bixinta qandaraasyada iyo agaasimayaasha shirkadaha qandaraasyada la siiyay .
Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in eedeysanayaashan weli la raadinayo in kastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah ay booliska isku dhiibeen.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa dhankeeda shalay sheegtay in barasaabka Nairobi Mike Sonko lagu soo oogi doono dacwad kale oo ah inuu iskudayay inaan la xirin.
Arrintan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay warbaahinta dalkana ay tabisay muuqaal laga dhex arkaya isaga iyo ciidamo dhowr ah oo xarbinaya.
Agaasimaha dhanka isgaarsiinta ee booliska Charles Owino ayaa sheegay in Sonko uu aflagaaddo iyo qaab rabshadeysan ku kacay sidaasi awgeedna lagula xisaabtami doono.
Isla maanta ayay maxkamadda dhageysan doontaa cabasho ay gudbiyeen qareenada guddoomiyaha Nairobi oo ku doodaya in markii laga soo qabanayay magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta, gobolka xeebta si aan munaasab ahayn loola dhaqmay.
Maxkamadda ayaa horay barasaabyada ismaamullada Kiambu iyo Samburu ee kala ah Ferdinand Waititu iyo Moses Lenolkulal u diidday inay xafiiska ka howlgalaan kaddib markii dacwad ku saabsan musuqmaasuqa lagu soo oogay.
Sharciga dalka waxaa ku cad in haddii xafiisyada guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay bannaanadaan in guddoomiyaha golaha hoose uu xilkaasi qabanayo.
Waxaa golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi hadda guddoomiye ka ah Beatrice Elachi oo xafiiska laga saaray 6-dii bishii sagaalaad ee 2018-kii ka hor inta maxkamadda aynan dib u soo celin.
Dhanka kale qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga barasaabka Nairobi ,Mike Sonko ayaa waxaa ku xusan in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay guddiiga EACC uu mas’uulkan u yeeray afar mar mar kastana uu tagayay.
Qoraalka oo uu cinwaan uga dhigay Personal Statement oo ay micnaheedu tahay farriin shakhsiyeed ayuu Sonko su’aal gelinaya waxa agaasimaha dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji iyo madaxa fulinta ee guddiga EACC Mr. Twalib Mbarak ay ugu adkaatay in sidii caadiga ahayd loogu yeeray.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in xarigga lagula kacay uu yahay mid siyaasad salka ku haya oo uu dareemayo in lagu doonayo in lagu bahdilo.
In kastoo aan weli la xaqiijin haddana Sonko ayaa sheegay inaan loo baahneyn in 200 oo boolis ah ay isaga soo qabtaan kaddibna diyaarad ugu soo qaadaan Nairobi.
Mike Sonko ayaa intaasi ku daray in diyaaraddaasi ay habbooneyd in la geeyo Wajeer oo uu isla maalinkaasi weerar ka dhacay.
Taageerayaashiisa ayuu ugu baaqay inay is dejiyaan oo ay guriyahooda ku sugnaadaan maalinka berri oo maxkamadda la soo taagayo.
Waxaa uu Mike Sonko sheegay inuu yahay shakhsi u hoggaansamo sharciga dalka sidaas awgeed uu taagerayaashiisa kula talinayo inayna tagin maxkamadda ama ay ku kacaan falal khalkhal gelin karo amniga.
Mike Sonko ayaa yiri cid kasta oo i taageerta waxaan ugu baaqay in saraakiisha qaabilsan fulinta amarrada fursad u siiso inay waajibaadkooda gutaan .
Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in nabadgaliyada iyo xasiloonida Nairobi ay wax kasta ka muhiimsan tahay.
Sonko ayaa fariintiisa ku soo gabagabeeyay waxa keliya ee aan hadda idiin kaga baahanahay waa dacadiina .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here