Barasaabka Nairobi oo miiska wada-hadalka ugu yeeray dhakhaatiirta shaqa joojinta ku guda jiro

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko iyo agaasimaha maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada shacabka ee caasimadda ee NMS Maxamad Badi ayaa baaq u diray dhakhaatiirta shaqa joojinta ku guda jiro.
Waxay saraakiisha caafimaad u soo jeediyeen inay fursad siiyaan wada-hadallada xal loogu raadinaya tabashooyinka ay qabaan.
Labadan mas’uul ayaa howlwadeenada u xaqiijiyay inay ku dadalayaan sidii loo xallin lahaa cabashooyinka dhanka shaqada ah.
Mr .Badi ayaa ku nuuxnuuxsaday in iskaashi hoose oo ka dhexeya ururka dhakhaatiirta laantiisa Nairobi iyo maamulka uu Sonko hoggaamiyo ay tahay sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadda taagan.
Agaasimaha maamulka NMS ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan wada-hadallo ula yeelanayaan mas’uuliyiinta ururka dhakhaatiirta si mushaaraadkooda uunan uga soo dib dhicin.
Saraakiisha caafimaad ee gadoodsan ayaa cabasho ka muujinaya mushaaraad ka soo daahay iyo sido kale caymis caafimaad oo la xiriira xaaladda adag ee ay ku shaqeynayaan xilligan lala tacaalaya cudurka COVID19.
Afar cisho ka hor ayay shaqa joojin billaabeen waxayna sido kale walaac ka muujinayaan tayada agabka ay isaga badbaadiyaan cudurka COVID19 ee loo yaqaano PPEs iyo sariirada gaarka ah ee loogu talagalay bukaanada uu xanuunka soo ritay oo ay sheegayaan inay tiro ahaan yaryihiin.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo in ka badan boqolkiiba 60 kiisaska fayraska corona ee laga xaqiijiyay gudaha wadanka laga helay caasimadda Nairobi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here