Barasaabka Nairobi oo sheegay in caasimadda dalka laga dhisayo 200 oo kun oo guriyo ah

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ay ka go’antahay in gudaha magaala madaxda dalka laga dhiso ilaa 200,000 oo ah guriyo taya ahaan wanaagsan shacabkana ay qiimo ay awoodaan ku degganaan karaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu dowladda dhexe si weyn garab ugu siinayo qorshaha ah inay ka dhabeyso mid ka mid ah afar arrimood oo ay kenyaanka u ballanqaadday.
Mike Sonko ayaa hadalkan jeediyay xilli uu lacago jeeg ah siinayay qoysas deggan xaafadda Pangani oo lagu wareejiyay min 600,000 oo shilin si ay kirada isaga sii bixiyaan inta laga dhameystirayo guriyaha ay dowladdu u dhisayso.
Mr. Sonko ayaa carrabka ku dhuftay in qoysaskaasi loo dhisayo guri uu qiimihiisu yahay 3 milyan oo lacagta lagu qarash geliyay ay dib ugu bixin karaan 30 sano.

Maamulka talada dalka haya ee Jubilee ayaa qorshaynaya in ka hor doorashada guud ee sannadka 2022-ka uu dhiso 500,000 oo guriyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here