Barasaabka Nandi iyo ku xigeenkiisa oo musharkooda dhimaya

Guddoomiyaha ismaamulka Nandi ,Stephen Sang iyo ku xigeenkiisa Yulita Cheruiyot ayaa shaaca ka qaaday inay bishan saddexaad iyo midda afaraad boqolkiiba 30 dhimayaan mushaarka ay qaataan.
Mr. Sang ayaa sheegay in lacagta soo harto lagu biirin doono sanduuqa loogu tala galay la dagaalanka cudurka Coronavirus.
Barasaabka ayaa arrintan ka hadlay kaddib kulan uu la qaatay wasiirrada ismaamulkaas iyo guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan Nandi , Kutswa Olaka.
Wax saxaafadeed uu Sangu soo saaray ayuu ku sheegay in xoghayaha dowlad deegaanka Nandi , wasiirrada iyo saraakiisha sar sare ee waaxyaha kala duwan ay ogoladeen in laba bilood mushaarkooda laga jaro boqolkiiba 25 .
Ismaamullada dalka oo ay Nandi ka mid tahay ayaa isku diyaarinaya la tacaalidda cudurka Covid-19 hadii kiisas la xiriira lagu arko.
Waxaa jiro qeybo gaar ah oo laga sameeyay isbitaallada dowlad deegaanadda iyadoo dhanka kale gudaha wadanka ilaa iyo hadda lagu arkay 16 kiis.
Go’aanka ay qaateen madaxda Nandi ayaa imaanaya kaddib markii hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot uu soo jeediyay madaxda wadanka ay mushaaraadkooda dhimaan xilligan adag ee lagu jiro.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, siyaasiyiinta iyo saraakiisha sarsare ee dowladda laga doonaya inay saameeyaan mishaar dhimis isla markaana ay lacago ugu deeqaan dadka dakhligoodu hooseeyo si looga hortaga saameynta cudurka saf-marka ee coronavirus.
Madaxda kale ee uu ugu baaqay in ay wax ka dhimaan mushaarkooda ayaa kala ah madaxweyna ku xigeenka, wasiirrada, xoghayayaasha wasaaradaha, barasaabyada , ku xigeenadooda , wasiirrada ismaamullada dalka iyo madaxda shirkadaha Dowladda.
Waxaa uu qoraalkiisa Dr. Aukot ku daray in waqtiyadan oo kale oo adduunka uu la daala dhacaya cudurka coronavirus laga doonaya hoggaamiyayaasha inay musharka ay qaataan ay dhimaan oo ayna u hiraan si loogu caawiya dadka saboolka.
Qoraalka ayuu siyaasigan maalinkii Axadda u diray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dr .Aukot waxaa uu sidoo kale dhaleeceeyay tallaabada dowladda ee ku aaddan in dadka ay guriyahooda ka soo shaqeeyaan isagoo ku doodaya inay caqabad ku tahay dhaqaalaha dalka.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayaa soo jeediyay in lala yimaado tallaabooyin ay ka mid tahay in Kenya ay gorgortan ka gasho deymaha lagu leeyahay sido kalena hakad la geliyo mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here