Barasaabka Nandi oo doonaya in la soo bandhigo warbixintii TJRC

Guddoomiyaha ismaamulka Nandi Stephen Sang ayaa baarlamaanka u gudbiyay dacwad oo ku dalbanaya in dowladda lagu khasbo inay dadweynaha faahfaahin ka siiso warbixintii uu diyaariyay guddiga runta, caddaaladda iyo dib u heshiisiinta ee (TJRC).
Justin Muturi, guddoomiyaha golaha qaran ee xeer-dejinta ayaa xaqiijiyay inuu guddoomay dacwadda ka timid Sang.
Mr. Sang ayaa xusay inuusan ku faraxsaneyn in dowladda aysan sannado kaddib dhaqangelin warbixintii la dhamaystiray.
Sido kale barasaabka Nandi ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka dalbaday inuu amar ku bixiyo in la adeegsado 10 bilyan oo guddiga TJRC uu soo jeediyay in lagu xalliyo xadgudubyadii taariikhiga ahaa ee dhacay.
Guddoomiyaha Nandi ayaa xusay in madaxweynaha oo amarkan soo saaro ay fududeynayso inay dowladda dhexe iyo ismaamullada si dhow uga wada shaqeyaan in la ogaado dadka u xaqnimada leh lacagtan magdhowga ah.
Guddiga TJRC ayaa la soo magacaabay sannadkii 2009-kii wuxuuna warbixintiisa 2013-kii ku wareejiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here