Barasaabka Samburu oo beeniyay in halkaas coronavirus lagu arkay

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Samburu Moses Lenolkulal ayaa sheegay inuunan jirin kiis la xiriira caabuqa corona oo ismaamulkaas laga xaqiijiyay.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay shaacisay in hal xaalad oo ah cudurka COVID19 laga diiwaangeliyay Samburu.
Barasaabka ismaamulkaas ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in kiiskan aan laga dhex helin gudaha Samburu balse tuulada Forole ee Marsabit .
Mr. Lenolkulal ayaa hoosta ka xarriiqay inaynan jirin sabab ay dadweynaha walaac u muujiyaan.
Waxaa uu intaa ku daray in qofka ay wasaaraddu sheegtay in cudurka looga helay Samburu dheecaankiisa uunan ka mid ahayn dheecaankii loo soo diray Nairobi si loo baaro.
Sido kale waxaa uu sheegay in qofkaas uunan safar ku tagin Samburu.
Barasaabka ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya cudurka COVID19 sido kalena ay maamullada caafimaadka ku soo wargeliyaan xaalad kasta oo ay uga shakiyaan fayraska corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here