Barasaabka Taita Taveta oo xilka qaadis lagu sameeyay

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Taita Taveta ayaa xilka qaadis ku sameeyay barasaabka dowlad deegaankaasi Mr Granton Samboja.
Siyaasiyiintan oo tiro ahaan gaaraya 30 ayaa dhammaan waxay u codeyeen inuu xafiiska banneeyo guddoomiyaha kaddib mooshin uu soo gudbiyay ku xigeenka hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golahaasi Harris Keke.
Mr. Samboja ayaa lagu eedeyay inuu ka tallaabsaday shuruucda ku qeexan dastuurka wadanka laga isticmaalo.
Mr. Keke ayaa barasaabka Taita Taveta ku eedeyay inuu ku takriifalay lacagaha dadweynaha sido kale uunan qalinka ku duugin miisaaniyad sannadeedka 2019/2020 taasi oo dib u dhac dhanka horumarka ku keentay ismaamulka.
Waxaa uu intaasi ku daray in Samboja uu marin habaabiyay dadweynaha oo soo aruuriyay saxiixyo lagu kala dirayo golaha hoose ee Taita Taveta.
Hasa ahaate agaasimaha isgaarsiinta ee barasaabka ,Dennis Onsarigo ayaa sheegay inuunan ka warqabin wax xilka qaadis ah oo dhacday isagoo taasi ku tilmaamay arrin sida uu hadalka u dhigay kaftan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here