Barasaabka Tharaka Nithi oo damiin lacageed lagu siidaayay

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa maanta u oggolaatay barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi Muthomi Njuki inay ku siidayso damiin lacageed oo dhan 6 milyan oo shilinka dalka ah, kaddib markii uu laba cisho xabsiga ku hoyday.
Garsooraha fadhigiisu yahay Milimani Douglas Ogoti ayaa ogolaaday damiinta
Sidoo kale wuxuu amar ku siiyay in guddoomiyaha uusan tagin xafiiskiisa, inta laga dhageysanayo iyo go’aan ka gaarista dacwadiisa.
Muthomi iyo saraakiil kale oo dhan 15 ayaa lala xiriiriyay fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 34.9 milyan oo shilin, waxaana lagu eedeeyay in si aan caadi ahayn qandaraas la xiriira mashruuc dhanka nadaafadda ah ay u bixiyeen
Sida laga soo xigtay Mr. Nuurdiin Xaaji, Westomaxx Investments Limited, oo ah shirkad soo gudbisay dokumeentiyo been abuur ah ayaa la siiyay qandaraaska.
Subixii Isniinta ee toddobaadkan ayey ahayd markii barasaabka uu isu dhiibay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa EACC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here