Barasaabkii hore ee Nairobi oo dhaliil u jeediyay guddiga EACC

Guddoomiyihii hore ee dowlad deegaanka Nairobi Dr. Evans Kidero ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku eedeyay inuu bartilmaameedsanayo.
Dr. Kidero ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalada isaga ka dhanka ah ee dhowr mar xabsiga loogu taxaabay ay yihiin kuwo dani gaar ah oo aan wanaagsanayn laga leeyahay.
Jimcihii ayay ahayd markii la xiray Dr. Kidero iyo madaxii hore ee shaqaalaha ee ismaamulka Nairobi, George Wainaina kaddib markii lagu eedeyay inay si sharci darro ah shirkad u siiyeen 68 milyan oo shilin.
Hasa ahaate waxaa uu ku doodayaan in waxyaabaha lagu eedeynayaa ay yihiin kuwo dhacay saddex sano ka hor inta uunan guddoomiye noqon.
Barasaabkii hore ee Nairobi ayaa dhanka kale ku andacoonaya in saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC aynan si wanaagsan ula dhaqmin kaddib markii ay gacanta ku dhigeen, hasa ahaate guddiga ayaan arrimahan weli ka jawaabin .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here