Barasaabyada dalka oo ku shiraya Naivasha

Guddoomiyaasha ismaamullada dalka oo ku shiraya magaalada Naivasha ee dowlad deegaanka Nakuru ayaa diiradda saaraya nidaamka dowlad wadaajinta.
Waxay eegayaan sida isbeddellada dastuuriga ee ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay u sii xoojin karaan faa’iidooyinka laga dhaxlay maamulka la daadajiyay.
Mas’uuliyiintan ayaa dhanka kale ka wada hadlaya sida xal loogu heli karo dhibaatada la xiriirta in dowladda dhexe aysan xilliga habboon ku wareejin miisaaniyadda ay u qoondeysay.
Waxay aad u soo dhaweyeen in miisaaniyaddan oo hadda ah boqolkiiba 15 in laga dhigo boqolkiiba 35.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ee CoG ahna guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan arrimaha ku gadaaman BBI iyo dowlad wadaajinta.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta haweenka ah ay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo qodobada warbixinta BBI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here