Barasaabyada ismaamullada oo doonaya inay ka madax bananadaan KEMSA

Golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee CoG ayaa mar kale ku baaqay in dowlad deegaanada loo ogolaado inay si toos ah daawooyinka iyo agabyada kale ee caafimaadka u soo iibsadaan.
Tani ayaa timid kaddib markii eedeymo la xiriira musuqmaasuq laga soo tabiyay maamulka qaabilsan qaybinta daawooyinka ee KEMSA.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada ee CoG Mr.Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ismaamullada ay awood u leeyihiin soo iibsashada daawooyinka iyo qalabka caafimaadka iyadoo aan loo marin KEMSA.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay madaxii fulinta ee maamulka KEMSA Jonah Manjari .
Waxaa ay tallaabadaas saameysay saddex sarkaal oo kale kaddib markii lagu eedeyay lunsashada ballaayiin shilin oo ay ka mid yihiin lacago laga helay deeq bixiyaal oo loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here