Barasaabyada ismaamullada oo laga doonayo inay ku xigeen magacaabaan

Guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa waxaa khasab ku noqonaysa inay magacaabaan ku xigeenadooda kaddib sharci uu shalay ansaxiyay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Sharcigan ayaa loo yaqaanaa County Government (Amendment) Bill 2017 waana isbeddel la sameeyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in barasaabka dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko looga baahan yahay inuu wixii hadda ka dambeeya ku xigeen lahaado.
Tan iyo bishii koobaad ee sannadkii 2018-kii lama buuxin jagadii uu baneeyay Polycarp Igathe oo xilligaas is casilay.
Hindise sharciyeedka uu Mr. Kenyatta qalinka ku duugay ayaa waxaa soo saaray senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen.
Isbeddelkan dhanka sharciga ee la sameeyay ayaa qeexaya in guddoomiyaha ismaamulka laga doonayo inuu ku xigeen kale ku soo magacaabo 14 cisho gudaheed hadii xilkaas la baneeyo.
Mas’uulka la magacaabay ayaa magaciisa loo gudbinaya golaha hoose ee ismaamulka si ay wakiilada u ansaxiyaan ama u diidaan muddo 60 cisho gudaheed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here