Barasaabyada iyo wakiillada ismaamullada oo shuruudo ku xiray BBI

Guddoomiyaasha iyo wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada dalka oo ku shiraya magaalada Naivasha ee dowlad deegaanka Nakuru ayaa soo saaray dalabaad dhowr ah oo ay doonayaan in la fuliyo.
Waxay tani ku soo aadaysaa iyagoo lagu wado in ay ka doodaan qodobada warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii senatarro iyo xildhibaano isugu tagay Naivasha ay sheegeen inay si buuxda u taagerayaan warbixinta.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inay mas’uuliyiintan kula hadlaan kulanka qaadanaya labo cisho oo la qabanaya talaadada.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada dalka ee CoG ahna guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan arrimaha ku gadaaman BBI iyo dowlad wadaajinta.
Shirkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta haweenka ah ay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo qodobada warbixinta BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here