DHAGEYSO:Barasaabyada oo dalbanaya in la kala diro xubnaha aqalka sare

Hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa ku hanjabay inay guda galayaan olole meesha looga saaraya aqalka sare ee wadanka.
Golaha guddoomiyaasha dowlad deegaanada ee (CoG) ayaa aqalka senate-ka ku eedeyay inuu ku fashilmay inuu xal ka gaaro nidaamka saddexaad ee lagu qaybsanaya dakhliga.
Waxaa uu goluhu sheegay in hadii aan heshiis degdeg ah arrinkan laga gaarin bishan gudaheeda ay hakad galayaan howlaha ismaamullada.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Kakamega , Wycliffe Oparanya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in aqalka sare ay shaqadiisa dastuuriga tahay inuu ka shaqeeyo danaha iyo horumarinta dowlad deegaanada.
Waxaa uu intaa ku daray in senetarrada ay ka gaabiyeen waajibaadkooda sidaas awgeedna aynan jirin sabab uu u sii dhisnaan karo senate-ka wadanka.
Mr. Oparanya ayaa xusay in miisaaniyadda dhaqaale ee ismaamullada oo aan la ansaxin ay sababtay in qaar ka mid ah aynan bixin musharaadka howlwadeenada caafimaadka.
Guddoomiyaha CoG ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii ka hor 17-ka bishan aan la meel marin nidaamka lagu qaybsanaya dhaqaalaha la fasaxayo dhammaan shaqaalaha dowladaha ismaamullada.

Dhanka kale ururada  rayidka ee ismaamulka Trans Nzoia ayaa aqalka sare   ee dalka ka dalbaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyo muranka la xiriira  sida ismaamullada  ay u qaybsanayaan  dakhliga qaran

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here