Barasaabyada oo doonaya in cudurka Covid-19 lagu baaro ismaamullada

Guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa dowladda dhexe ka dalbanaya inay diyaariso qorsho ku aaddan sidii baaritaannada la xiriira cudurka Covid-19 looga sameyn lahaa dhammaan 47-da dowlad deegaan ee uu wadanka ka kooban yahay.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ahna guddoomiyaha golaha (CoG) Mr.Wycliffe Oparanya ayaa baaqan soo saaray iyadoo dhanka kale shalay la shaaciyay 123 xaaladood oo hor oo ah coronavirus.
Mr Oparanya ayaa sheegay in baaritaannada oo laga fuliyo ismaamullada ay sare u qaadayso la dagaalanka cudurka iyo ka hor tagga faafitaankiisa.
Waxaa uu ku nuuxnuusaday in maadaama baaritaannada aan meel kasta laga sameyn ay suurtagal tahay inay jiraan dad cudurka qabo oo shacabka kale u sii gudbinaya.
Baaqan ayaa ku soo aadaya iyadoo wasaaradda maaliyadda laga codsaday inay ismaamullada ku wareejiso 5 bilyan oo uu ballanqaaday madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here