Barasaabyada oo sheegay inaynan suurtagal ahayn xayiraad la saaro ismaamullada

Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dalka ee COG ahna hoggaamiyaha dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa meesha ka saaray inay suurtagal tahay in xilligan ismaamullada lagu soo rogo xayiraad dhanka isku socodka ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay saameyn weyn ku yeelanayso dhaqaalaha ismaamullada kala duwan iyo guud ahaan dalka.
Mr. Oparanya ayaa xusay in kastoo dowladda dhexe ay sameysay tallaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19 haddana aynan ku talinayn in ismaamullada la kala xiro.
Ismaamulka Nairobi ayaa tan iyo markii fayraska corona lagu arkay gudaha wadanka si maalinla ah looga diiwaangeliyaa xaaladaha ugu badan waxaana isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya dowladda dhexe ee ku aaddan inay ku dhawaaqdo tallaabooyin adag oo dheeraad ah.
Guddoomiyaha Kakamega ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladaha ismaamullada ay sare u qaadayaan baaritaanada ka dhanka ah caabuqa iyo amarrada kale ee looga hortagaya inuu bulshada dhexdeeda ku sii fido.
Dhanka kale Mr. Oparanya ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta howlaha qaranka ay ismaamullada ku wareejisay 29.7 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof .Peter Anyang Nyongo ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay sida uu cudurka ugu dhex faafayo bulshada wuxuuna shacabka ku booriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya coronavirus.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here