Barasabka Busia Sospeter Ojaamong oo iska fogeeyay eedeymo musuqmaasuq oo loo soo jeediyay

Guddoomiyaha ismaamulka Busia Sospeter Ojaamong ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo la xiriira musuqmaasuq.
Waxaa lagu eedeyay in isdaba marin lagu sameeyay mashruuca maareeynta qashinka ee ismaamulkaasi.
Mashruuca ayaa ku kacayay 8 milyan oo shilinka dalka ah.
Barasabka ayaa xusay in ay badbaadiyeen oo ay meel dhigeen 17 milyan oo qeyb ka ahayd mashruucani.
Mr. Ojamong ayaa carabka ku dhuftay in in ka badan 15 milyan loo isticmaali lahaa mashruucani waa hadii ay cid kale gacanta ku hayn lahayd.
Wuxuu dafiray dhamaan afarta eedeymo ee lagu soo oogay oo ay ka mid yihiin ku xadgudubka xafiiska iyo musuqmaasuqa maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here