Barayaasha jaamacadaha dalka oo shaqo joojin ku hanjabay

Ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha dalka ee (UASU) ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan.
Waxay dalbanayaan in Jaamacadda Nairobi ay dib u bixiso lacago gunnooyin ah oo la istaajiyay.
UASU ayaa sheegtay in maamulka jaamacadda Nairobi uu meesha ka saaray lacago la siin jiray barayaasha wax u dhiga ardayda barto culuunta caafimaad.
Tallaabadan ayay sheegeen inaysan waafaqsanayn shuruucda shaqaaleysiinta ee dalka.
Digniinta ku saabsan inay shaqo joojin guda galayaan waxaa ku dhawaaqay xoghayaha guud ee UASU Dr. Constantine Wasonga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here