Barayaasha jaamacadaha dalka oo sheegay inay shaqa joojin sameynayaan

Xubnaha ururka barayaasha jaamacadaha dalka ee UASU ayaa ku hanjabay inay ugu badnaan toddobo cisho kaddib shaqa joojin ku dhaqaaqayaan haddii dowladda aynan xallin arrimo ay tabanayaan.

Dowladda ayay ku dhalileen inaynan dhaqangelin heshiis gorgortan ku saleysnaa oo la wada saxiixday 28-kii bishii Tobnaad ee sannadkii hore.
Heshiiskan ayaa horay loo qorsheeyay in lagu dhaqangeliyo laga soo billaabo sannadkii 2017-kii ilaa 2021-ka.

Xoghayaha guud ee ururka UASU Dr. Constantine Wasonga ayaa sheegay in laga billaabo 20-ka bishan oo maalin isniin ah ku beegan aynan jiri doonin wax casharro ah oo ka soconaya jaamacadaha dowladda ee dalka.

Barayaasha ayaa ku doodaya inuu qorshuhu ahaa inay lacago dheeraad ah helaan bishii 11-aad ee sannadkii tagay maadaama bishii ka sii horreeysay ee Oktoobar heshiis la gaaray hasa ahaate dowladda aynan ku guulaysan u hoggaansanka qodobbadii la isla meel dhigay.

Dr .Wasonga ayaa sheegay inay dalbanayaan lacag dhan 13.8 bilyan oo shilin balse ay xita diyaar u yihiin in hadda la siiyo 8.8 bilyan maadaama ay dhanka kale tixgelinayaan xaaladda dhaqaale ee dalka si aynan shaqa joojin u sameyn.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inay carqaladeyso howlaha waxbarashada 35-ta jaamacadood ee ay dowladdu leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here