Barayaasha jaamacadaha oo loo ogolaaday dacwad ay maxkamadda geeyeen

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa barayaasha jaamacadaha wadanka u ogolaatay inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan in mushaar kordhin loo sameeyo.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay maxkamadda dib ugu laabteen iyagoo doonaya in la dhaqangeliyo mushaar kordhin dhan 8.8 bilyan oo shilin.
Tan iyo bishii 11-aad ee sannadkii hore waxaa uu muran ka dhexeyay barayaasha jaamacadaha iyo guddiga musharaadka ee SRC.
Barayaasha Jaamacadaha ayaa guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee SRC ka dalbaday mushaar kordhin dhan 13.8 bilyan balse waxaa loo sheegay inay helayaan oo keliya 8.8 bilyan taasoo muran dheeraad ah dhalisay.
Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa u riyaaqay ururka barayaasha jaamacadaha wadanka oo ay xubno ka yihiin ilaa 30,000 aqoon yahaano ah.
Lacagtan ayaa qeyb ka ah heshiis ku saleysnaa gorgortan oo la saxiixay sannadkii 2017-kii kaasoo la doonayo inuu shaqeeyo ilaa 2021 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here