Barayaasha jaamacadaha oo weli mushaaraad ka cabanaya

Barayaasha jaamacadaha dalka ayaa maanta mar kale dib ugu laabanaya maxkamadda waxayna doonayaan in la dhaqangeliyo mushaar kordhin dhan 8.8 bilyan oo shilin.
Tan iyo bishii 11-aad ee sannadkii hore waxaa uu muran ka dhexeyay barayaasha jaamacadaha iyo guddiga musharaadka ee SRC.
Guddiga mushaaraadla iyo gunnooyinka ee SRC ayaa laga doonaya inuu maxkamadda shaqaalaha u faahfaahiyo sida uu ku go’aansaday in macallimiintan la siiyo mushaar kordhin gaaraysa 8.8 bilyan in kastoo 30,000 oo ka mid ah shaqaalaha jaamacadaha ay dalbadeen 13.8 bilyan.
Lacagtan ayaa qeyb ka ah heshiis ku saleysnaa gorgortan oo la saxiixay sannadkii 2017-kii kaasoo la doonayo inuu shaqeeyo ilaa 2021 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here