Barayaasha jaamacadda Egerton oo shaqo joojin sameeyay

In ka badan 500 oo ah barayaasha iyo shaqaalaha kale ee jaamacadda Egerton ayaa maanta shaqo joojin ku dhaqaaqay.
Waxay ka cabanayaan inaysan mushaar qaadan tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan.
Xoghayaha guud ee ururka barayaasha jaamacadaha dalka ee (UASU) ,Constantine Wasonga ayaa wacad ku maray in howlwadeenadan aysan dib ugu laaban doonin shaqooyinkooda ilaa iyo inta ay ka helayaan lacagaha ka maqan.
Wasonga ayaa sidoo kale xusay in maamulka jaamacadda Egerton uu maanta imtixaan sameeyay iyadoo aan la kormeerin sidaas awgeedna natiijada soo baxdo ay ka soo horjeedsan doonaan.
28-kii bishii hore ayay ahayd markii ururka UASU uu maamulka jaamacadda Egerton siiyay digniin hal isbuuc ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here