Barnaamijka Caafimaadka guud ee Kenya oo la Ammaanay

Hay’adda caafimaadka adduunka  WHO ayaa  ammaantay  daahfurka barnaamijka dowladda dhexe ay ku doonayso in qof waliba oo Kenyaan ah uu helo  adeeg caafimaad  oo taya leh.

Barnaamijkan ayaa hadda maraya  wajiga koobaad ee tijaabada   waxaana lagu xusay  kalfadhiga 72-aad  ee  golaha  WHO  ee shalay  ka furmay magaalada Geneva  ee dalka  Switzerland .

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya  boqolaal  ka mid ah  mas’uuliyiinta caalamka waxaana ka mid ah  marwada koobaad ee dalka Margaret Kenyatta , wasiiradda caafimaadka  Sicily Kariuki.

Agaasimaha guud ee hay’adda   WHO Tedros Adhamon Ghebreyesus  ayaa dalka  Kenya u soo qaatay  tusaale wanaagsan oo looga dayan karo   dhaqangalinta mashruuca  guud ahaan dalka lagu gaarsiinayo adeegyada caafimaadka ee loo yaqaano UHC.

Waxaa uu intaasi ku daray inay sharaf u ahayd in bishii Disembar ee sannadkii tagay  uu   ismaamulka Kisumu uga qeyb galay munaasanad madaxweyne  Uhuru Kenyatta uu xariga uga jarayay  barnaamijka caafimaadka guud.

Dowladda   ayaa tijaabada la xariirta barnaamijka UHC waxay ka  wadda ismaamulo afar oo kala ah   Kisumu, Nyeri, Isiolo iyo  Machakos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here