Baroordiiq ka billowday Burkina Faso kaddib weerar ka dhacay

Waxaa dalka Burkina Faso ka jiro baroordiiq qaran oo soconaya 48 saacadood oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha wadankaas Roch Marc.
Arrinran ayaa timid kaddib weerar shalay koox hubeysan ay ka gaysatay Waqooyiga dalkaas iyadoo dishay 35 qof oo shacab ah.
Wasiirka isgaarsiinta ahna afhayeenka dowladda Burkina Faso Remis Dandjinou ayaa laga soo xigtay in 31 ka mid ah dadka la dilay ay haween yihiin.
Weerar kale oo ay dableyda ku qaadday saldhig milatari ayaa looga takhalusay 7 ka mid ah saraakiisha difaaca.
Milatariga Burkina Faso ayaa dhankiisa sheegaya inuu dilay 80 ka mid ah dagaalyahaanada.
In kastoo aynan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas , waxaa dalkaas tan iyo 2015-kii ka jiray rabshado wax u dhimay xasiloonida.
Waxaa horay uga dhacay falal dhowr oo amniga lid ku ah oo ay gaysteen kooxo lala xiriiriyo Al-Qaacidda iyo ISIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here