Basas arday ay ku safrayeen oo Nyeri lagu qabtay

Qiyaastii 800 oo arday ah ayaa habeenimadii arbacada ahayd lagu xanibay bartamaha magalada Karatina ee ismaamulka Nyeri kadib markii ay ciidamada booliska ee joojiyeen baaburtii ay ardayda ku safrayeen.
Ardayda ayaa usocday xaflad ay kaga qeyb galayaan tartanka fanka.Gawaarida ardadayda ayaa ka talaabsaday sharciga u degsan baabuurta dugsiyada ee xiliga habeenkii.
Basaskan oo gaarayeen 20 ayaa waxa lagu qabtay bar kontorool booliska dhigteen deeganka Jambo ee nawaaxiga magaalada Karatina saacdaddu marka ay ahayd 6:30-ka maqribnimo waxaana ay meesha ku xanibnayeen ilaa iyo 10-ka habeenimo.
Amarka lagu soo qabtay gawaaridaan ayaa ka soo baxay taliyaha xarunta dhexe ee boolis Mathira James Baraza wuxuuna marki dambe uu taliyaha sheegay in ardayda uu raacinayo saraakiil ilaaliya inta ay ka tagayaan goobaha kala duwan ee ay socdeen.
Ardaydan ayaa ka soo wada jeeday into badan ismaamullada Murangá,Kiambu iyo Kirinyaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here