Basas loo diyaariyay bulshada Rohingya oo wax raaco la waayay

Waxaan mar kale lagu guulaysan iskuday ku aadanaa in boqolaal qof oo ka mid ah bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya ee dalka Myanmar dib loo celiyo.
Saraakiisha dalka Bangladesh ayaa warbaahinta u sheegay in 5 basas ah iyo 10 ka mid ah baabuurta xamuulka loo diyaariyay inay daabulaan qaxootiga halkaasi maciin biday 2 sano ka hor.
Hasa ahaate in kastoo dadkaasi la sugayay tan iyo 9:30 barqanimo ee saacadda dalkaasi ee maanta ma jirto cid u soo baxday inay Myanmar dib ugu laabato.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii howlgalo milatari oo laga fuliyay gobolka Rakhine ay ku barakaceen 740,000 qof oo u badan muslimiinta Rohingya.
Waxay dadkan ku biireen 200,000 kale oo horay ugu sugnaa dalka dariska la ah ee Bangladesh.
Qaramada midoobay ayaa howlgalada uu sameeyay milatariga Myanmar ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here