Beerta qaran ee Hell’s Gate ee Naivasha oo la xiray kaddib markii ay 7 qof ku dhinteen

Waaxda adeegga duurjoogta dalka ee KWS ayaa xirtay beerta qaran ee Hell’s Gate ee magaalada Naivasha , ismaamulka Nakuru kaddib markii daadad halkaasi ku dhuftay ay galafteen nolosha ilaa 7 qof.
Dadkan iyaga ah ayaa isugu jiro 6 dalxiisayaal ah oo halkaasi u tagay inay beertaasi soo arkaan iyo qofkii hor kacayay.
Paul Udoto oo ka tirsan waaxda isgaarsiinta ee KWS ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo hadda la helay meydadka afar qof.
Waxaa uu intaasi ku daray inay weli socdaan howlaha lagu raadinayo meydadka 3-ta qof ee kale oo ilaa iyo hadda aan la helin.
Toddobo sano ka hor ayay ahayd markii daadad sidan oo kale ugu dhuftay beertaasi kaddib roobab lixaad leh oo da’ay ay ku dhinteen 7 qof.
Beertan oo la sameeyay sannadkii 1984-tii ayaa waxaa ku yaalla saddex xarumood oo ah kuwa soo saaro korontada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here