Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay doorashada Jubaland.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, James Swan.
Mr Swan waxa uu mar kale ku celiyey in loo baahan hannaan keliya oo heshiis lagu wada yahay in lagu galo doorashada Jubaland, waxaana uu ka digay qalalaase dhacay doorashadaasi.
Wakiilka Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa wuxuu ugu baaqay dhinacyada Kismaayo inay si kastoo ay ahaato natiijada doorashada madaxweynaha Jubbaland, looga baahan yahay inay ka fogaadaan gacan ka hadal isla markaana khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal.
Dhinaca kale, waxaa shirkaasi kadib arrimaha Soomaaliya kala hadlay warbaahinta Xiriiriyaaha Arrimaha Siyaasadda ee Biritan Stephen Hickey.
Waxa uu xusay inay Ugu horrayn doorashooyinka Jubbaland ay amuhiim tahay inay ku dhacaan amni, nabadgelyo iyo daah furnaan,ayadoo taasna ay xigto doorashada Soomaaliya ee 2020-ka, wuxuuna soo jeediyay inay jiraan islamarkaana loo baahan yahay bartilmaameedyo ay tahay inay dawladdu hanato ka hor doorashada gud ee dalka ka dhacaysa dhamaadka Sanadka danbe ilaa horaanta Sanadka 2021-ka.
Xiriiriyaaha Arrimaha Siyaasadda ee dowlada Biritan waxaa kale oo uu sheegay inay diiradda saaraynaa amniga xilliga kala-guurka ah si ciidamada Soomaalida ay mas’uuliyadda amniga dalkooda ugala wareegaan Xooggaga AMISOM ee haatan ku sugan qaybo ka mid ah waddanka Soomaaliya
Sidii horay loogu balansanaa Maanta ayay dhacaysaa doorashada hoggaanka MaamulkaJubbaland iyadoo laga cabsi qabo inay kasoo baxaan mamaullo is-garab yaac ah maadaama ay jiraan labo dhinac oo kuwa walba sheegaya inay gaar wax u dooranayaan.
Dhinaca kalena, beesha caalamka sida wadamada Canada, Ethiopia, EU, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, Xafiiskooda AU ee Soomaaliya, AMISOM, IGAD iyo UN-ka ayaa sheegay inay wada hadallo la sameeyeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinimaha maamulka Jubbaland, isla markaana ay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha hannaan loo wada dhan yahay heshiisna lagu wada yahay oo ku saabsan doorashada Jubbaland.
Waxay beesha caalamku ugu baaqday dhinacyadaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo qalalaase keeni kara. Waxayna sheegeen in nabadgelyada Jubaland aysan muhiim u ahayn oo keliya Jubaland balse ay muhiim u tahay horumar laga sameeyo xasilloonida siyaasada, amniga, dhaqaale iyo horumar guud ahaan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here