Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay doorashada maamulka Jubaland.

194

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa baaq kasoo saartay khilaafaadka ka jira doorashada maamulka Jubbaland ka dib markii shalay ay booqasho ay ku tageen magaalada Kismaayo.
Warka beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha maamulka jubbaland,guddiga doorashada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ka dhagaysteen fikradahooda.
Wakiilada ka socda AU, IGAD iyo UN waxay sheegeen inay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho la isku raacsan yahay taasoo waafaqsan dastuurka maamulka Jubbaland iyo kan dowlada Federalka Soomaaliyeed.
Beesha caalamka ayaa ku baaqday in la sii horumariyo habraaca doorashada ee guddiga doorashada uu hogaaminayo ayna ka qeybqaataan dhammaan dhinacyada siyaasada ee ay qusayso.
Xubnaha beesha Caalamka ayaa ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada Jubbaland inay ka fogaadaan wixii ammaan daro keeni kara iyo weliba cabsi gelin ayna khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal si ay u helaan kalsoonida bulshada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here