Beesha Caalamka oo baaq ka soo saartay doorashada Soomaaliya

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa waxay muujiyeen walaacooda iyo rajada ay ka qabaan arrimaha siyaasadeed ee dhowaan ku soo kordhay dalka Soomaaliya, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aynan wiiqin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, sidoo kalena ayasan Carqaladayn ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuurin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka Soomaaliya.
Saaxiibadu waxay ku baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka dhamaadkiisa,Taasi oo lagu sheegay inay tahay sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo la qaaday si loo gaaro yoolkaas.
Saaxiibada caalamku waxay sheegeen inay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulada ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, si la iskugu keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah.
Beesha Caalamku waxay sheegtay in Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho ee dhacaysa uu noqon doono mid aan sharciyad lahayn aanna dhaqangelin karin haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale.
Waxay Xuseen inay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.
Saaxiibadu waxay ku baaqeen in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taasoo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii Dhuusamareeb ku soo gabagaboobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here