Beesha Caalamka oo doorashada Soomaaliya war ka soo saartay

Kadib meelmarintii sharciga doorashada Qaranka, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa ku boorinayay dhammaan saamileyda Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada waqtigieedi loogu qaban lahaa.
Sharciga doorashada Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay Goleyaasha baarlamaanka waxaana saxiixay Madaxweynaha 20-kii Febraayo. Sharcigan wuxuu qeyb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka doorasho ee asaasiga ah lagama maarmaankana u ah qabsoomidda doorashooyin qaran oo u suurto-gelinaya in tirada ugu badan ee muwaadiniin ah ay codeeyaan si ay u soo xushaan cida ay doonayaan.
In kasta oo tani ay tahay tallaabo muhiim ah, haddana shaqo badan ayaa loo baahan yahay in la qabto si wax looga qabto su’aalo badan oo aad muhiim u ah oo weli taagan, kuwaasoo lagama maarmaan u ah hirgellinta xeerkan sida ay beesha Caalamku sheegtay.
Waxay Tilmaameen in Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay garwaaqsanyihiin mas’uuliyadda saaran Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) si uu u hirgeliyo sharciga doorashada, waxayna carrabka ku adkeynayaan sida dhakhsaha leh ee looga baahanyahay dhamaan dhinacyada ay hawshu khusayso oo ay ku jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka Federaalka ah, xisbiyada siyaasadda inay wada shaqeeyaan, iyagoo taageero ka helaya GMDQ oo guda geli doona hawsha hirgelinta sharciga doorashada.
Saaxiibada caalamku waxay sheegeen inay dib u milicsanayaan wadahadalladii badnaa ee ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, GMDQ, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo isla eegay qaybaha uu ka koobanaanayo sharciga la doonayo in la qoro.
Qaybahaas waxaa ku jira caddeynta deegaan doorashooyinka iyo qoondeynta kuraasta ee deegaan doorashooyinka, kala caddeynta kuraasta loo gaar yeelayo haweenka si loo xaqiijiyo ugu yaraan matalaadda 30 boqolkiiba, nidaamyada lagu soo dooranayo kuraasta loo qoondeeyay dadka reer Somaliland, iyo matalaadda dadka deggan gobolka Benadir ay ku yeelanayaan Baarlamaanka.
Saaxiibadu waxay ugu baaqayaan Baarlamaanka Federaalka ah, isagoo la shaqaynaya GMDQ, wadatashina la sameynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya,Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada kale ee hawshu khusayso, inuu arrimahaas si dhakhso leh xal ugu helo.
Saaxiibada ayaa xusay inay sidoo kale u arkaan in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu qayb ka yahay hab-shaqo sharciyeedka asaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah hirgelinta doorashooyin qabsooma waqtigii loogu latalagalay.
Sidaas darteed, waxay carrabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo ka-baaraan-degidda iyo ansixinta wax-ka-bedelka sharcigaas uu kusoo sameeyay Baarlamaanka Federaalka ah.
Saaxiibadu waxay Hoosta Ka xariiqeen qabsoomidda doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo dhaca waqtigii loogu talagalay laguna soo doorto Baarlamaanka Federaalka ah iyo Madaxweynaha Federaalka ah, iyadoo loo marayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah, ay muhiim u yihiin xasiloonida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Saaxiibadan Caalamku waxay Sii xooojiyeen sida dhakhsaha leh ee loogu baahanyahay wadashaqayn dhexmarta Dowladda Federaalka Soomaalliya iyo Maamul Goboleedyada si loo gaaro arrimahaas iyo arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka.
War-Saxaafadeedkaan ayaa waxaa siwadajir ah u soo saarey Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), dowlaha Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here