Beesha Caalamka oo soo dhoweysay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo

Saaxiibada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu 14-kii bishan ku dhawaaqay in la qabanayo shir dhexmara madaxda dowladda federaalka, madaxweynayaasha 5 ta dowlad goboleedka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyagoo ku sheegay talaabo muhiim ah oo xoojineysa iskaashiga dhinacyada.
Beesha caalamka oo qoraal soo saartay ayaa waxaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ahba in ay ka faaiideystaan fursaddan islamarkaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin doorasho ka dhacda dalka oo dhan.
Qoraalkan ayaa lagu yiri, “Waxaan soo dhoweynaynaa dadaalada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhexeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto [arrinta] Jubaland.”

Shalay ayaa qoraal uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in uu ku casuumayo madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in ay ka soo qeyb galaan shirka amniga qaranka kaasi oo looga hadli doono arrimo quseeya amniga iyo doorashooyinka soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here