Beijing oo laba toddobaad laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Xukuumadda Beijing ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in qof ay da’diisu tahay 52 sano laga helay caabuqa corona.
Dhacdadan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay muddo laba toddobaad ah oo gudaha wadankaas fayras si maxalli ah la isugu gudbiyay laga xaqiijiyo.
Ninkan ayaa sheegay inuunan dibadda uga bixin Shiinaha sido kalena uunan la macaamilin qof aan ku sugneyn Beijing.
Guud ahaan caalamka waxaa uu fayraska Corona haleelay ugu yaraan 7.48 milyan oo qof halka ugu yaraan 420,000 qof ay u dhinteen cudurka uu sababo ee Covid-19 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha cudurka ku soo kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here