Bernard Okoth oo loo doortay mudanaha deegaanka Kibra ee Nairobi

Musharaxii xisbiga ODM Bernard Imran Okoth ayaa ku guulaystay xillka xildhibaanannimo ee deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi kaddib loolan siyaasadeed oo ay galeen 24 musharax.
Waxaa uu helay codad dhan 24,636 halka McDonald Mariga oo matalayay xisbiga talada haya ee Jubilee uu soo hooyay codad gaaraya 11,230 .
Kaddib markii natiijada ka soo baxday doorashadii ku celiska ahayd lagu dhawaaqay ayuu Imran Okoth dareenkiisa sidatan u muujiyay

Hasa ahaate Mr.Mariga ayaa kaddib markii ay u soo baxday in codadkii la tiriyay uu weli Imran Okoth ku hoggaaminayo siyaasiyiinta kale , waxaa uu go’aansaday inuu u hambalyeeyo isagoo xusay inuu diyaar u yahay inay sii wada shaqeyaan.
Cod
Mr. Okoth ayaa dhankiisa sheegay inuu ku farxad u farriin hambalyo ah ay uga timid musharaxii ku soo xigay dhinaca natiijada McDonald Mariga.
Waxaa Mr. Bernard Okoth u hambalyeeyay xisbiga uu ka tirsanyahay ee ODM , mas’uuliyiin kala duwan sida senetarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior iyo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru .
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa isna sheegay inuu ku farxay guusha u soo hooyatay xisbiga uu hoggaamiyo oo uunan garab weyn siin doono mudanaha la doortay si loo horumariyo nolosha shacabka deegaanka Kibra.
Loolankan oo ahaa mid adag ayaa waxaa shalay oo ay codeynta dhacday hareeyay eedeymo ku saabsan laaluush bixin iyo rabshado in kastoo la xakameeyay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nairobi Mr. Philip Ndolo ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay ilaa saddex qof oo lagu eedeyay inay lacago laaluush ah bixinayeen si ay saameyn ugu yeeshaan codeynta ku celiska ee ka dhacaysa deegaanka Kibra .
Codeynta ku celiska ah ayaa timid kaddib markii bishii toddobaad ee sannadkan uu cudurka Kansarka u geeriyooday Ken Okoth oo shacabka halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalayay.
In ka badan hal bil waxaa soo socday loolan siyaasadeed oo aad u xooggan.
In badan oo ka mid ah khuburrada siyaasadda falanqeeya ayaa tartanka xildhibaananimo ee deegaankaasi ku tilmaamay mid u dhexeya ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga maadaama labaduba ay si weyn ugu ololeynayeen musharaxiinta xisbiyadooda.
Dad ay tiradoodu gaaraysa 118,658 ayaa isku diiwaangeliyay inay codkooda ka dhiibtaan deegaanada hoose ee Sarang’ombe, Woodley/Kenyatta Golf Course, Makina, Laini Saba iyo Lindi.
Waxaa uu loolanka siyaasadeed ka dhexeyay 24 musharaxiin ah balse waxaa ugu cadcaddaa Benard Okoth oo wata tikitka xisbiga ODM oo ay ugu dambeyn guusha raacday , McDonald Mariga Mariga oo ku tartamaya xisbiga (Jubilee), Eliud Owalo oo isna matalaya (ANC) iyo Khamiisi Butichi oo ka tirsan Ford-Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here