Berri oo baroordiiq loo sameynayo madaxii Safaricom ee geeriyooday

Maalinka berri oo khamiis ah ayaa la filayaa in la qabto munaasabad baroordiiq ah oo loo sameynayo madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore oo dhawaan geeriyooday.
Munaasabaddan ayaa ka dhici doonto xarunta diimeed ee All Saints’ Cathedral ee magaaladatani Nairobi.
Bayaan ay Safaricom soo saartay ayaa lagu sheegay in xafladdu ay billaaban doonto 11-ka barnqanimo.
Shalay ayay ahayd markii meydka Mr.Collymore oo shirkaddan hoggaaminayay tan iyo sannadkii 2010-kii lagu gubay xaafadda Kariokor .
Xilkii uu hayay ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Michael Joseph oo horay shirkadda madax uga soo noqday.
Xoghayaha shirkadda Safaricom Kathryne Maundu ayaa sheegtay inay raja weyn ka qabaan in Mr. Michael Joseph oo aqoon iyo waaya aragnimo xeel dheer leh uu sii wado shaqadii uu hayay mas’uulka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here