Billow Kerrow oo ku baaqay in baaritaan xeel dheer lagu sameeyo natiijadii tirakoobka

Waxaa weli isa soo taraya hadal haynta siyaasadeed ee ka dhalatay natiijadii ka soo baxday tirakoobkii dalka laga sameeyay bishii sideedaad ee sannadkan ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Senetarkii hore ee ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi Bari Billow Kerrow ayaa natiijada ku tilmaamay mid aan caqli gal ahayn sidaasi awgeedna ay dalbanayaan in baaritaano madax bannaan oo qoto dheer lagu sameeyo .
Xilli uu wareysi gaar ah siiyay warbaahinta maxalliga ee KTN ayuu Billow Kerrow dareenkiisa u muujiyay sidatan

Mr. Kerrow ayaa ku doodaya in tirinta shacabka si wanaagsan loo sameeyay hasa ahaate ay u muuqato in markii macluumaadka la iskuduba ridayay ay wax isdabamarino dhaceen.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay natiijadii laga soo saaray tirakoobkii dalka ka dhacay 10 sano ka hor gaar ahaan gobolka waqooyi bari taasi oo uu muran ka dhashay .
Xilligaasi ayay wasaaradda qorsheynta sheegtay in tirada shacabka waqooyi bari ee la soo gudbiyay aynan sax ahayn oo la buunbuuniyay balse dood dheer oo maxkamadeed kaddib waxaa ugu dambeyn sannadkii 2016-kii la go’aamiyay inaysan tiradaasi qalad ahayn.
Billow Kerrow ayaa si gaar ah uga hadlay tirada lagu sheegay shacabka gobolka waqooyi bari oo ah 2.4 milyan isagoo xusay in 10 sano ka hor tirada guud ee dadweynaha ismaamulada Garissa, Wajeer iyo Mandera ay ahayd 2.39 milyan sidaasi awgeed natiijada la soo saaray ay tahay mid aan la qaadan karin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay u furantahay in ay maxkamaddda u gudbiyaan dacwad arrinkan ka dhan ah.
Sido kale senetarkii hore ee Mandera ayaa sheegay in adeegsiga natiijadan ay saameyn dhanka horumarka ah ka dhalan karto maadaama madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu wasaaradaha dowladda iyo waaxyaha hoos tago ku amray inay macluumaadka la shaaciyay u adeegsadaan howlaha qorsheynta.
Natiijada tirakoobkii la sameeyay ee ay shaaca ka qaadday waaxda qaabilsan diiwaangelinta iyo keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa gudaha wadanka ka abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo xooggan.
Arrintan ayay siyaasiyiinta siyaabo kala duwan uga hadlayaan maadaama tirada dadweynaha ee laga diiwaangeliyo ismaamulada lagu saleeyo qeybinta dhaqaalaha iyo miisaaniyadda qaran.
Waxaa dareenka Biloow Kerrow mid la mid ah jeediyay xildhibaanada deegaanada Lagdera , Balambala iyo Tarbaj ee kala ah Maxamad Hire, Cabdi Cumar Shuuriye iyo Axmad Baashane.
Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ku sheegay inaynan aqbaleynin natiijada tirakoobka sidaas awgeedna ay maxkamadda aadayaan si ay dacwad uga gudbiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here