Boolis toogtay sarkaal ay wada shaqeynayeen oo la xiray

Mid ka mid ah ciidamada booliska ee dalka ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu toogtay sarkaal ay ka wada howlgalayeen ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Arrintan ayaa timid markii labada sarkaal ay murmeen xilli ay ku sugnaayeen goob warshad ah oo soo saarta kafeega.
Taliyaha booliska ee deegaanka hoose ee Ndia, Joseph Mwika ayaa sheegay in labada sarkaal ee booliska ah oo uu saldhigoodu yahay Ndiriti ay ilaalo ka hayeen warshadda markii uu dilka dhacayay.
Laba ka mid ah ilaalada Warshadda qaxwada ama Kafeega Gathambi oo goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa sheegay in muranka askartu u bilowday markii midkood, oo sarkhaansanaa uu dhibaateeyay midka kale.
Ilaalada ayaa waxay dhanka kale sheegeen in sarkaalka booliiska ah ee la dilay uu sidoo kale baadari ka ahaa kaniisadda deegaankaas.
Sarkaalka dilka geystay ayaa haatan lagu haya saldhigga booliska iyadoo uu socda baaritaan arrintan la xiriirta.
Meydka ayaa loo wareejiyay goobta meydadka la dhiga ee Kibuga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here