Booliska Baydhabo oo soo saaray amaro Cusub.

Taliska Ciidanka Booliiska Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay soo saareen Amaro culus oo ku socda Ganacsatada kala duwan ee Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Baydhabo Gaashaanle Dhexe Muqtaar Ibraahim oo la hadlay Ganacstada iyo waalidiinta Magaalada Baydhabo ayaa ku amray inay ka fogaadaan waxyaabaha Carruurta ay ku ciyaaraan maalmaha Ciida amnigana qalqal galinkaro.
Waxaa uu sheegay Taliyuhu in xaalado dhanka Amniga ah darted loo joojiyey inay Ganacsatada keenaan qalabka ay Carruurtu ku Ciyaaraan,sida Bistooladaha Baaruuda loo isticmaalo iyo qoriga xilli ay soo dhowyihiin maalmaha Ciidul Fidriga.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in tallaabo laga qaadi doono Ganacsatadii iyo Waalidiintii ka dhega adeega Amarka Taliska Ciidamada Booliska Magaalada Bayshabo ee xarunta gobolka Bay.
Sanad kasta markii ay soo dhawaadaan Maalmaha Ciida ayaa Maamulka iyo Booliska Magaalada Baydhabo waxaay soo saaraan Amaro ay ku mamnuucayaan keeni taanka iyo ka Ganacsiga waxyaabaha Carruurta ay ku ciyaaraan ee baaruuda ku shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here