Booliska Belarus oo dibadbaxayaal xiray

Ciidamada booliska ee dalka Belarus ayaa maanta gacanta ku dhigay dhowr qof kaddib dibadbaxyo ka dhacay caasimadda wadankaas ee Minsk.
Mudaharaadka ayaa looga soo horjeedaa maamulka madaxweyne Alexander Lukashenko.
Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa ku warramaysa in boolisku ay sunta dadka ka illimeysiisa u adeegsadeen inay dibadbaxayaasha kala eryaan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la jaray khadka isgaarsiineed ee dalkaas.
Tan iyo bishii sideedaad oo ay doorasho ka dhacday dalka Belarus ayaa waxaa socday dibadbaxyo toddobaadla ah oo ay shacabku samenayaan.
Waxay dalbanayaan inuu is casilo madaxweyne Lukashenko oo 26 sano talada hayay.
Lukashenko ayaa dhankiisa ku gacan seyray eedeymo uga yimid mucaaradka oo ah in natiijada doorashadii ugu dambeysay ee uu ku soo baxay lagu shubtay.
Khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii Roman Bondarenko oo 31 sano jir ah uu isbitaal ku geeriyooday.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya inuu u geeriyooday jirdil xad dhaaf ah oo ay ciidamada ammaanka kula kaceen hasa ahaate waxaa tani beenisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Belarus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here