Booliska Busia oo weli baaritaano sameynaya kaddib lacag faalis oo la qabtay

Ciidamada booliska ee ismaamulka Busia ayaa weli ku howlan baaritaano ku aaddan lacag faalis oo la helay maalinkii jimcada.
Waxay saraakiisha ammaanka su’aalo weydiinayaan oo haddii dembi lagu helo maxkamadda la soo taagi doonaa ilaa afar eedeysanayaal ah oo falkan lala xiriirinaya.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa gacanta ku dhigay Mr Robert Wesonga ,Francis Mutunga, Ben Abungu iyo Henry Makokha.
Ciidamada ayaa sheegay inay heleen lacagta faaliska ah oo qiimaheedu yahay 3 milyan oo doolarka Maraykanka iyo 93,000 oo shilin oo lacagta dalka ah.
Laamaha ammaanka ayaa arrinkan shaaca ka qaaday kaddib howlgal ay ka sameyeen guriga eedeysane Robert Wesonga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here