Booliska Ciraaq oo bandow ku soo rogay Baqdaad

Caasimadda wadanka Ciraaq ee Baqdaad iyo magaalooyinka kale ee ku yaalla dhanka koonfureed ayaa bandow lagu soo rogay.
Tallaabadan ayay ciidamada ammaanka qaadeen kaddib laba maalmood oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.
Rabshado ka dhashay mudaharaadyada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 18 qof halka boqolaal kalena ay dhaawacmeen.
Saaka ayay ahayd markii booliska ka hor taga dibadbaxyada ay kala eryeen boqolaal qof oo isugu soo baxay beerta Tahrir Square ee ku taalla bartamaha Baghdad .
Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa muujinaya sida ay uga xunyihiin shaqa la’aanta Ciraaq ka jirta , biyo yari , adeegga korontada oo aan la isku haleeyn Karin iyo musuqmaasuq saameeyay waaxyaha dowladda.
Bangiga adduunka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in heerka shaqa la’aanta ee dalka Ciraaq uu yahay boqolkiiba 25.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here